4/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2025
Muhaajiriin Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo ka baxsaday guri lagu haystay oo ku yaala Koonfur Afrika
 

Khamiis, Maarso 27, 2025 (HOL) - In ka badan 50 ruux oo ah muhaajiriin u badan Soomaali iyo Itobiyaan oo isugu jira dhallinyaro iyo caruur Shalay oo Arbaco aheyd ka baxsaday guri ku yaala xaafada Lombardy East ee magaalada Johannesburg.

Booliiska magaalada Johannesburg ayaa shaaca ka qaaday iney baarayaan dhacdadan oo loo arko mid jabin karta sharciga socdaalka ee dalka Koonfur Afrika, waxaana dadkaan muhaajiriinta ah lagu arkay mar qura wadooyinka xaafada Lombardy East, iyagoo qaarkood aanan xirneyn wax dhar ah.

"Waxaan markii hore maqalnay qaylo, waxaan sidoo kale aragnay muraayado jaban, iyo dad si deg deg ah u cararaya waddooyinka oo qaarkood dhar la’aan yihiin,  qaar kalena rooti ay gacanta ku sitaan" ayuu yiri qof ka mid ah ilaalada deegaanka.

Ciidanka Booliiska ayaa gacanta kusoo dhigay muhaajiriinta qaar, islamarkaana la geeyay saldhigga Booliiska ee Sandringham, halkaas oo su'aalo lagu weydijnayo, iyadoo Afhayeenka Booliiska Kornayl Kaha oo si kooban uga hadlay dhacdadaan uu sheegay in kiiskaan baaritaankiisa uu socdo, welina aanan loo aqoonsan tahriib.

Si kastaba ha ahaatee wali lama oga mudada dadkaan muhaajiriinta ah lagu haayay guriga ay ka baxsadeen Shalay, waxaana wariyaal booqday guriga ay sheegeen in halkaasi ku soo arkeen muqaalo muujinayay nolol liidata iney gurigaasi ku haysatay dadka ka baxsaday.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo bishii Janayo ee sanadkan mid la mid ah ka dhacday isla xaafaddaan, kadib markii 15 Itoobiyaan ah laga soo badbaadiyay guri la sheegay in lagu haystay, halka Bishii Febraayo ee isla sanadkan todobo muwaadin Shiinees ah lagu helay dambiyo la xariira tahriib iyo shaqaaleysiinta carruurta.

Ugu dambeyntii Booliiska magaalada Johannesburg ayaa sheegay in dadkaan marka uu baaritaanka u dhamaado la geeyn doono meelo amaan ah.