Khamiis, Maarso 27, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiye Recep Tayyip Erdoğan, kulankaas oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Ankara.
War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Labada Madaxweyne ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxayna isla qaateen in la sii ambaqaado dhammaystirka fulinta heshiisyada iyo iskaashiyada wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.
Xasan Sheikh iyo Erdogan ayay madaxtooyadu sheegtay inay si qoto dheer uga wada hadleen howlgallada iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, iyagoo bogaadiyey iskaashiga labada dal ee dib u dhiska Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo wiiqidda xagjirnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga garab istaagga ay siiyaan Soomaaliya, waxa uuna xusay doorka muuqda ee ay ka qaataan dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo garab istaagga dagaalka lagula jiro waxa loogu yeero Khawaarijta.
Dhankiisa, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ballanqaaday in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, taageerada farsamada iyo midda bini’aadantinimo.