4/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 28, 2025
Somaliland oo sheegtay in aqoonsiga ay Kenya siisay Kosovo uu dhiirrigelinayo in ay aqoonsi hesho
 

Jimco, Maarso 28, 2025 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhaweysay aqoonsiga ay Kenya siisay dowladda Kosovo oo ka go’day Serbiya, iyada oo sheegtay in tallaabada ay Kenya qaaday ay dhiirrigelinayso in Somaliland ay aqoonsi ka hesho dalalka Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo waraysi siiyay wakaaladda wararka ee SOLNA, ayaa Midowga Afrika ka codsaday in ay taageeraan madax-bannaanida Somaliland.

"Waanu soo dhaweynaynaa aqoonsiga ay Kenya siisay Kosovo, tallaabadani waxay dhiirrigelinaysaa aqoonsi raadinta Somaliland ee Midowga Afrika dhexdiisa. Madax-bannaanida Somaliland waxay wax ka tari doontaa ganacsiga gobolka iyo amniga qaaradda," ayuu yidhi Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan.

Waxa uu sheegay in aqoonsi raadinta Somaliland ay tahay mid sharci ah marka loo eego xeerarka caalamiga ah. "Kiiska aqoonsi raadinta Somaliland waxa uu waafaqsan yahay sharciyada caalamiga ah, way naga go’an tahay in aanu helno aqoonsi," ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan.

Wasiirku waxa uu ku dhiirrigeliyay dowladda Kenya in ay sidoo kale aqoonsato Somaliland, isaga oo sheegay in xidhiidh xooggan uu ka dhexeeyo Nayroobi iyo Hargeysa, isla markaana ku dhowaad 10,000 oo muwaadiniin Kenyan ah ay ku nool yihiin Somaliland.

"Waxaan ku dhiirrigelinayaa Kenya iyo waddamada kale ee Geeska Afrika in ay ku dhiirradaan aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ah waddan dimuqraadi ah, nabdoon, isla markaana leh dowlad shaqaynaysa oo ku dhisan doonista dadkeeda," ayuu yidhi.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday in ay ka baxday midowgii ay Soomaaliya wax ku wada dhisteen kadib xornimadii 1960-kii. Inkasta oo lagu majeerto nabadda iyo dimuqraadiyadda hadana muddadii ka badan 30 sano ee ay goonida u taagnayd, may helin aqoonsi caalami ah.