Jimco, Maarso 28, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay gudaha magaalada Muqdisho guddoomiyahii Waaxda Xalane ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho Cabdullaahi Sheekh Axmed.
Dilka guddoomiye Waaxeedka ayaa la sheegay iney fuliyeen ragg bastoolado ku hubeysnaa oo rasaas kala dhacay qeybha sare ee jirkiisa, kuwaas oo dilkiisa kadib goobta si deg deg ah uga baxsaday.
Maamulka Degmada Wadajir oo ka hadlay dilka guddoomiyihii Waaxda Xalane ee degmadaas ayaa sheegay in marxuumka la dilay uu ahaa shaqsi si hagar la'aan ah uga shaqeynaayay horumarka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
“Marxuumku wuxuu ahaa halyey karti iyo daacadnimo ku suntan, oo si hagar la’aan ah ugu shaqeynayay horumarka degmada. Wuxuu ahaa tiir adag oo ka mid ah maamulka, gacanta midigna u ahaa geeddi-socodka horumarka Nasiib darro, gacan ka xaq daran ayaa dishay, balse waxqabadkiisii iyo dedaalkiisii lama illaawi doono” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay maamulka degmada Wadajir.
Dilkaan Xalay loo geystay gudoomiye Waaxdkii Xalane ee degmada Wadajir ayaa kusoo aadaya, iyadoo bilahii lasoo dhaafay si weyn uga yaraayeen magaalada Muqdisho dilalka noocaan oo kale ah ee lagu beegsanayo masuuliyiinta ka tirsan dowladda iyo askarta.