4/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 28, 2025
Agaasimaha Hay'adda NISA oo kulamo lagu dardar galinaayo dagaalka Al-shabaab ka bilaabay degmada Moqokori
 

Jimco, Maarso 28, 2025 (HOL) - Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo uu wehlinaayo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa maanta kulan ku qaatay degmada Moqokori Odayaasha dhaqanka degmadaas.

Shirkaan ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardar galinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, gaar ahaana gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ka socdaan howgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Agaasime Sambaloolshe ayaa sheegay in hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ay diyaarisay qorshayaal dhameystiran oo lagu xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada maamulka Hirshabeelle.

Taliyaha NISA ayaa sidoo kale ka dalbaday Odayaasha dhaqanka degmada Moqokori iney ka qeyb qaataan dadaalada dowladda fedaraalka Soomaaliya ku bixineyso sidii dalka looga xureyn lahaa kooxda Al-shabaab.

Odayaasha dhaqanka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa dhankooda balan qaaday in hay’adda NISA ay ku garab istaagayaan kala shaqeynta amniga iyo sidoo kale howlgalada lagu ciribtirayo kooxda Al-shabaab ee haatan ka socda qeybo ka mid ah gobolada dalka, gaar ahaana gobolka Shabeellaha Dhexe.