4/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 28, 2025
Banaanbax looga soo horjeeday Kufsi wadareed Kenya loogu geystay Gabar Soomaali oo Muqdisho ka dhacay
 

Jimco, Maarso 28, 2025 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax balaaran oo looga soo horjeeday kufsi wadareed dhawaan gabar Soomaaliyeed loogu geystay dalka kenya.

Banaanbaxaan oo ahaa mid ay dhigayeen boqolaal ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ayay ku dalbadeen in cadaalad helaan gabdhaha Soomaaliyeed ee marwalba loo geysto tacadiyada ay ka mid yihiin kufsiga.

Haweenka banaanbaxa dhigayay maanta ayaa madaxda dowladda, Culimada  iyo dhaqanka Soomaaliyeed ugu baaqay in cadaalada la horkeeno ragga geystay falka kufsi wadareedka ahaa iyo kuwa kale ee tacaadiyada kula kaca haweenka Soomaaliyeed.

Mid ka mid ah haweenka dhigayay banaanbaxa ayaa warbaahinta ka hor sheegtay iney si weyn ugu xun yihiin falka kufsiga tacadiga ah ee loo geystay gabdha lagu magacabo Anfac.

“Anaga kufsi raali kama nihin, caddaalad ayaan rabnaa, waxaan ku baaqaa waa in si deg deg ah sharciga loo horkeena dadkii ka dambeeyay tacaddiga loo geystay Anfac, ma ahan in indhaha la eegto dhibaatooyinka mar walba lagula kaco gabdhaha Soomaaliyeed, waxaan u baahanahay Cadaalad” ayay tiri haweeney ka mid aheyd banaanbaxayaasha.

Ugu dambeyntii Kufsiga loo geystay gabadhaan Soomaaliyeed waxaa si weyn uga xumaaday dadka Soomaaliyeed, waxaana saacadahii lasoo dhaafay dhacdadaan ay noqotay mid si weyn looga dhex hadal haya baraha bulshada.