4/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 28, 2025
Soomaaliya oo dekedo istiraatiiji ah Maraykanka siinaysa si uu uga baaqdo aqoonsiga Somaliland – Semafor
 

Jimco, Maarso 28, 2025 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa Maraykanka ugu yaboohday in uu la wareego maamulka dekedo istiraatiiji ah ah oo ku yaalla Gacanka Cadmeed, si uu uga baaqdo aqoonsiga Somaliland, sida ay qortay shabakada Semafor.

Warqad uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u diray Donald Trump 16-kii bishan, oo ay Semafor sheegtay in ay aragtay, ayuu Madaxweynuhu Trump kaga codsaday in uu la wareego maamulka dekedaha ku yaalla Gacanka Cadmeed.

Warqadda ayaa lagu sheegay in dekedahan oo ku yaalla meelo istiraatiiji ah ay ka caawinayaan Maraykanka in uu yeesho saldhigyo ciidan, isla markaana uu alaabooyin kala soo dago oo ka dhoofsado, iyada oo aanay cid kale faragelin doonin. "Arrintani waxay Washington siinaysaa fursad ay ku maamusho waddooyinka muhiimka ah" ayaa lagu yidhi waraaqda sida Semafor qortay.

Semafor waxa ay xustay in dekedaha ay Soomaaliya siinayso Maraykanka ay yihiin Dekedda Berbera, oo leh madaar ciidan, iyo Dekedda Boosaaso oo madaar, balse aanay Dowladda Soomaaliya wax maamul ah ku lahayn labadan goobood ee ku yaalla Gacanka Cadmeed.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo ay HOL wax ka weydiisay jiritaanka warkan ayaa gabi ahaanba beeniyay in wax wadaxaajood ah oo la xidhiidha maamulka dekedaha uu ka dhexmaray Washington iyo Muqdisho.

Kadib markii la doortay Madaxweyne Donald Trump, waxa soo baxay warar sheegaya in Maraykanku uu aqoonsanayo Somaliland. Intaa kadib, Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday dadaallo diblomaasiyadeed oo ay kaga hortagayso aqoonsi ay Washington siiso Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa miisaaniyad dhan $600,000 u qoondaysay in ay sannadkii ku bixiso dadaallada lagaga hortagayo aqoonsiga Somaliland, iyada oo kiraysatay shirkad gacan ka gaysanaysa arrintan.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa hadal uu ka jeediyay Shirka Dowladaha Adduunka ee ka dhacay Imaaraadka ku sheegay in ay si gaar ah uga rajaynayaan aqoonsi Maraykanka.