4/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 28, 2025
James Swan oo si rasmi ah loogu magacaabay Madaxa Xafiiska kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
 

Jimco, Maarso 28, 2025 (HOL) - Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa James Swan oo u dhashay dalka Mareykanka si rasmi ah ugu magacaabay inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmada Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS).

Mr. James Swan ayaa horey ku sime uga ahaa xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM)/UNTMIS tan iyo May 2024. Swan ayaa aqbalay in uu sii hoggaamiyo howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Mr. Swan waa dublamaasi waayo arag ah oo muddo dheer ku soo dhex jiray dalalka Afrikaanka ah. Kahor inta uusan noqon ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya ahna Madaxa UNSOM/UNTMIS iyo sidoo kale Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM (2019-2022), waxa uu soo noqday Safiirka Maraykanka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (2013-2016), Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya (2011-2013).

Shaqadiisii hore, Mr. Swan waxa uu ahaa Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Arrimaha Afrika (2006-2008) iyo Agaasimaha Falanqaynta Afrika ee Xafiiska Sirdoonka iyo Cilmi-baarista ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka (2005-2006).

Macaabidda James Swan ayaa kusoo aadaysa, xilli ay Soomaaliya ku jirto waqti xasaasi ah oo ay dalka ka jiraan khilaafaadyo siyaasadeed iyo kuwa amni oo ragaadiyay horumarka dalka, islamarkaasna walaaca laga muujinayo jira doorashooyinka soo socda .