4/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 29, 2025
Maraykanka oo duqayn culus ku garaacay Togga Miiraale oo kamid ah meelaha ay isku urursadeen Daacish
 

Sabti, Maarso 29, 2025 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa maanta duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhan ah Daacish ka geysatay Buuraha Calmiskaad ee gobolka Baro, halkaas oo la sheegay in lagu barbtilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish oo isku urursanayay.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqayntan oo si gaar ah loogu beegsaday farriisin Daacish ay ku lahayd Togga Miiraale oo kamid ah meelaha la aaminsan yahay inay ku sugan yihiin horjoogayaasha kooxda Daacish ee ugu sarreeya.

Duqeymahan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay wadaan ciidamada Mareykanka si ay uga hortagaan khatarta sii kordheysa ee Daacishta Soomaaliya.

Maraykanka ayaa 25-kii bishaan duqayn ka fuliyay Togga Miiraale, halkaas oo lagu dilay tiro kamid ah dagaalamaayasha kooxda Daacish, kuwaas oo maydadkooda loogu tagy godadkii lagu duqeeyay.

Maraykanka ayaa sheegay inuu meel kaste ku bartilmaameedsan doono kuwa khatarta ku ah amniga dalkiisa, isagoo haatan kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku sugan buuralayda gobolka Bari.

Maamulka Puntland ayaa aaminsan in Daacishtii laga saaray inta badan buuraha Calmiskaad ay isku urursadeen Togga Miiraale oo ku dhow magaalada Boosaaso.  Waa goob ay adag tahay in ay galaan gaadiidka dagaalka. Sidoo kale Daacish ayaa miinooyin ku xirtay jidadka lagasoo galo togga.