4/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 29, 2025
Somaliland: Maraykanku waxa uu noqonayaa dalka ugu horeeya ee aqoonsada Somaliland
 

Sabti, Maarso 29, 2025 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in waraaqda la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dekedaha ku siiyay Maraykanka ay muujinayso cadaawad, iyo dowladda federaalku ay samaynayso wax kasta oo ay kaga hortagayso in Somaliland hesho aqoonsi.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa codsiga la sheegay in uu Madaxweyne Xasan Sheekh u diray Maraykanka ku tilmaamay mid muujinaya xasillooni-darro siyaasadeed.

"Waa arrin muujinaysa hoggaaminta Xasan Sheekh, waa nin aan culayska qaadi karin, khaasatan marka uu maqlo Somaliland iyo aqoonsigeeda, nooc waali ah ayuu galayaa. Waxa aad ogaydeen heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland waalida uu ka qaaday ilaa ay gaadhay in uu heshiis qarsoodi ah la galo Turkiga," ayuu Wasiir Ayaanle.

Waxa uu sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanku yahay mid qoto dheer, oo kasoo bilaabmay golayaasha sharci-dejinta Maraykanka, isla markaana xeerka cusub ee difaaca Maraykanka lagu daray qodobo qasab ka dhigaya in Somaliland lala macaamilo. "Maraykanku wuxuu noqon doonaa dalka ugu horreeya ee Somaliland aqoonsada," ayuu yidhi.

Waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in Soomaaliya oo dhan xataa uu bixin karo si uu kaliya uga hortago in Somaliland hesho aqoonsi, isaga oo sheegay in laga yaabo in ay jiraan waraaqo kale oo aan weli la arag oo Soomaaliya u dirtay Washington.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ku fashilantay maamulkii dalkeeda, isla markaana waraaqda ay u dirtay Trump aanay waxba ka beddeli karin aqoonsiga Somaliland. Waxa uu intaa ku daray in haddii Somaliland hesho aqoonsi ay noqon doonto dowlad walaal la ah Soomaaliya oo qayb ka qaadan doonta dhismaheeda.

Jariiradda Semafor iyo wakaaladda wararka ee Reuters ayaa baahiyay warqad ay sheegeen in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu Maraykanka kaga codsaday in uu la wareego maamulka dekedaha Berbera iyo Boosaaso, isla markaana uu ka baaqsado aqoonsiga Somaliland.