Sabti, Maarso 29, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa kafaalad qaaday ciid siinta 111 Caruur agoon ah oo ay ifka kaga tageen weriyeyaal ka tirsanaa Warbaahinta Soomaaliya kuwaasi oo siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho, waxaana soo agaasintay Madaxtooyadda Soomaaliya sanadkii 8aad.
Cabdullahi Xirsi oo ah Agaasimaha Tv ga Universal Tv oo kamid ahaa Agaasimayaasha warbaahinta Soomaaliya oo munaasabadii maanta ka dhacday beerta Nabadda ayaa kaga mahadceliyay madaxtooyada Soomaaliya sida ay iskugu xilqaantay in la ciidsiiyo caruurta agoonta ee aabayaashoodi ku baxay gacanta Kooxda Al-shabaab.
Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay in muhiim ay tahay in bahda saxaafada ay adkeeyaan walaaltinimadoodi iyo saxiibtinimadoodi, waxa uu carabka ku dhuftay in isku xirnaantooda ay ka hortagi doonto dhibaatada kaga imaan karta Kooxaha Argagexisada, sidoo kalana xitaa mararka qaar ay dhibaato kaga timaado dhanka Dowladda ay uga hortagi karaan isku xirnaantooda.
Maareeyaha Tiyaatarta Qaranka Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure oo dadkii madashaan ka hadlay kamid ahaa ayaa sheegay in marka laga reebo hal qoys, 111ka Qoys ee maanta caruurtoodi la ciidsiiyay in dhammaantooda ay ku baxeen gacanta Kooxda Al-shabaab, waxa uu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay kuwa warbaahinta ku jira oo buunbuuninaya weerarada Al-shabaab.
Ugu dambeeyn Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Maxamed Duugow ayaa ku ammaanay bahda warbaahinta sida ay iskugu xiran yihiin inay u adeegaan agoontii ay ka tageen kuwii ay wada shaqeyn jireen ee ku baxay gacanta Cadowga, waxa uu sheegay inay joogteeyaan dadaalada noocani oo kale ah ee waqtiga lala qaadanayo caruurtaan agoonta ah.