4/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 29, 2025
Qaramada Midoobay oo ogaatay magaca hoggaamiyaha kooxda Daacish
 

Sabti, Maarso 29, 2025 (HOL) - Warbixin ay soo saartay kooxda kormeerka cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay, ayaa daaha ka qaaday in ay jirto kalsooni sii kordheysa oo la xiriirta in hoggaamiyaha kooxda Daacish uu yahay Abu Xafs Al-Hashimi Al-Qurashi.

Kooxda Daacish, oo horey ugu xoog badneyd dhul ballaaran oo ka tirsan dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa weli saameyn xooggan ku leedahay qaar ka mid ah dalalka Waqooyiga iyo Bariga Afrika.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Soomaaliya ay tahay goob ay Daacish si muuqata uga hawlgasho, iyada oo saldhigooda ugu weyn laga helayo buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Halkaas ayay ciidamada Puntland ka wadaan dagaal ka dhan ah kooxda.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in aqoonsiga hogaamiyaha Daacish, Abu Hafs al-Hashimi al-Qurashi, aanay wali si buuxda u caddayn.

Dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa u arka in hoggaamiyaha cusub uu yahay Cabdiqaadir Muumin, oo ah madaxa Daacish ee Soomaaliya. Hase yeeshee, weli lama hubo.

Sida lagu sheegay warbixinnadii hore ee sirdoonka Qaramada Midoobay, Muumin wuxuu door muhiim ah ku lahaa hawlgallada caalamiga ah ee Daacish, waxaana la rumeysan yahay in loo dallacsiiyay hoggaanka sare ee Daacish.

Tan iyo dilkii Abu Bakr al-Baghdadi sanadkii 2019, Daacish waxay isku dayaysay in ay qariso aqoonsiga hoggaamiyeyaashooda si loo yareeyo halista lagu beegsan karo.

Sanadkii 2022-kii, ururka Daacish wuxuu xaqiijiyay geerida hoggaamiyihii hore Abu Xuseen Al-Xuseeni Al-Qurashi, iyagoo bedelkiisa u magacaabay Abu Xafs Al-Hashimi Al-Qurashi.