Sabti, Maarso 29, 2025 (HOL) - Maxkamadda sare ee Sacuudiga ayaa si rasmi ah waxa ay u shaacisay in maalinta berrito oo ay taariikhda ku beegan tahay 30ka Maarso ay tahay maalinta 1aad ee Ciida Soonfur.
Maxkamadda ayaa Bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Bisha laga arkay magaalada Tumeyr oo kamid meelihii maanta ay koox Guddi ay Dowladda u xilsaartay baadi goobka Bisha ay soo sheegen inay bilatay Bisha Shawaal.
Dowladaha kale ee Carbeed ee iyagu shaaciyay in Berrito oo Axad ah ay ciidayaan waxaa kamid ah Dowladdaha Qatar, Imaaratka Carabta, Lubnaan, Falastiin iyo Kuwait.
Wadamada kale ee iyagu dhameystiri doona Bisha Ramadan ee Isniinta ay u tahay maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga ayaa kala ah Jordan, Cumaan, Pakistan, Malaysia, Indonesia iyo Australia iyo kuwa kale.
Xilliyada raadinta Bilaha Ramadan dhalashadeedi iyo Shawaal ayaa inta badan ay isku khilaafaan wadamada islaamka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeedi la wadaagtay shacabka Soomaaliyeed inaan la deg degin oo laga war sugo waxaana hadda fadhiya Guddi ugu xilsaaran inay baadi goobaan Bilashada Bisha Ramadan ama ay dhaariyeen marqaatiyaal Bisha ka arkay Gobolada dalka.