Hiiraan Online
4/1/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Mar 29, 2025
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay maalinta berito tahay maalin ciid ah
Sabti, Maarso 29, 2025 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa caawa ku dhawaaqday in maalinta Berri ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal ee ciidul Fidriga, kadib markii aragtida bisha la xaqiijiyay, iyadoo dowladaha caalamka sidoo kale looga dhawaaqay in berri ay tahay Ciid.
Culimada Soomaaliyeed iyo wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay in kadib baadigoob dheer dhalashada Bisha Soonfur laga arkay 4 meelood oo dalka gudihiisa katirsan, islamarkaasna dadka arkay ay ku jiraan dad culimo ah iyo macalimiin, iyadoo la dhaariyay.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kaddib hambalyo ku aaddan ciidda u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo dhinaca bogaadin ujeediyay ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira Alshabaab.
Si lamid ah dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa dhammaantood shaaciyay inay maalinta berrito tahay maalin Ciid ah, marka laga reebo degaanada culimada Ahslunna Waljamaaca oo qaarkood shaaciyay inay Soomaayaan.