4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 3 , 2025
Puntland oo sheegtay inay heshay xog muujinaysa goolaha lagu daaweeyo xubnaha kooxda Daacish
 

Isniin, Maarso 3, 2025 (HOL) - Maamul-gobolleedka Puntland ayaa sheegay inay heleen xog muujinaysa in xubno ka tirsan kooxda Daacish lagu daweyn jiray isbitaallo ku yaalla magaalada Hargeysa ee Somaliland, sida uu sheegay mid kamid ah wariyayaasha la socda ciidamada Puntland ee la-dagaallamaya kooxda Daacish.

Wariyaha ayaa tebiyay in ciidamada Puntland ay heleen warqado ay ku qoran yihiin macluumaad sir ah oo laga helay deegaannadii ugu dambeeyay ee laga qabsaday Daacish. Sida lagu sheegay warbixinta, warqadahan ayaa tilmaamaya in shirkado ganacsi loo malaynayo inay fududeeyeen qaadista dhaawacyada ama ay dhaqaale siiyeen kooxda. 

Laamaha ammaanka Puntland ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaanno ku aaddan eedeymahan, iyagoo si ku-meel-gaar ah u mamnuucay in la shaaciyo magacyada isbitaallada iyo xarumaha ganacsiga ee lala xiriirinayo arrintan.

Puntland ayaa horey ugu eedeysay Somaliland inay taageerto kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ka dagaallama deegaannadeeda, hase yeeshee Somaliland waxay horey u beenisay eedeymahan. 

Hiiraan Online si madaxbannaan uma xaqiijin karto saxnimada warqadaha la helay. 

Todobaadkii hore, Puntland ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay deegaannadii laga xoreeyay kooxda Daacish ka heleen lacagta shilinka Somaliland. 

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoosta ka xariiqay y in wejiga saddexaad ee howlgalka Hillaac lagu beegsan doono shakhsiyaadka iyo shirkadaha lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Daacish. 

"Cid kasta oo ka faa’iidaysa ama maalgelinaysa argagixisada waan bartilmaameedsan doonaa," ayuu yiri Deni. 

Saraakiisha ammaanka Puntland ayaa xoojiyay dadaallada la dagaalanka argagixisada, iyagoo sheegay inay diiradda saarayaan burburinta shabakadaha dhaqaale iyo saadka ee taageera kooxaha hubeysan ee Soomaaliya.

Oggeysiiska sixida warbixintan iyo farriinta tifaftiraha

Hiiraan Online waxay wax-ka-beddel ku sameysay warbixintan si loo waafajiyo heerarka saxafadeed ee saxda ah. Dib-u-habeynta aan ku sameynay warbixintan waxaa kamid ah, inaan ku darnay halka aan ka soo xiganay warka oo ah wariyaha xogtan ka soo tebiyay ciidamada Puntland, si loo caddeeyo isha warbixinta. Waxaan isticmaalnay ereyo taxaddar leh sida "loo malaynayo" iyo "lagu tuhunsan yahay", iyo in Hiiraan Online aysan si madaxbannaan u xaqiijin karin dukumintiyada la helay.

Talaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaallada Hiiraan Online ee lagu xaqiijinayo hufnaanta, saxnaanta, iyo waafajinta heerarka saxafadeed ee sugan.