Isniin, Maarso 3, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed Col. Xasan Cali Nuur Shuute ayaa uga digay ciidamada Soomaalida inay kasoo cararaan ama ka baxsadaan goobaha dagaalka uu ka socdo ee lagula dagaalamayo Kooxda Al-shabaab, waxa uu xusay inay jiraan askar horey uga soo baxday furimaha dagaalka oo Xamar lagu xir xiray.
Gudoomiye Shuute waxa uu carabka ku dhuftay in askariga sababta uu qoriga u qaatay ay tahay inuu shacabka iyo dalka badbaadiyo kana ilaaliyo cadowga, waxa uu xusay inaan loo baahneen in laga baxo furimaha dagaalka waxaana uu ku bogaadiyay inay ciidanka joogteeyaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo aan loo hakanin taliye kabaxay dagaalka ama askar kasoo carartay goobta dagaalka.
“Waa nasiib daro qaar idinka mid ahaa ayaa la xir xiray ninkii Taliyahoodi ahaa ayaa iska baxsaday, kuwii soo baxsaday ee Xamar yimidna way xiran yihiin, xitaa hadii taliyihiina ugu weyn uu iska tago waa laga soconayaa inuu dhintayaa laga soo qaadayaa” ayuu yiri Gudoomiye Shuute.
Waxa uu ugu baaqay ciidankii uu u qudbeenayay in qorshaha taliska ay racaan oo ay ciidanka sawirtaan inay guulo kasoo hoyaan furimaha dagaalka ayna dheg jalaq u siinin wararka been abuurka ee laga sheegayo ciidanka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed Col. Xasan Cali Nuur ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka maalinba heer uu soo maray lana soo arkay iyadoo aanan wax mushaar ah lasiineenin balse hadda ay mushaaradkoodi ay qataan, waxa uu ka codsaday ciidanka in goobaha dagaalka la aado si loola diriro Kooxda Al-shabaab.
Ugu dambeyn waxa uu Shuute sheegay inay Gobolka Shabeelaha Dhexe u tageen inay dhiirigeliyaan ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo ay ugu tageen saldhigyadooda, maadama maalmihii lasoo dhaafay ay xoogsanayeen weerarada ka imaanayay Kooxda Al-shabaab.