Isniin, Maarso 3, 2025 (HOL) - Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa ku dhawaaqday in dowladda Itoobiya ay si buuxda uga baxday heshiiskii nabadeed ee ay dhaqdhaqaaqa la gashay sannadkii 2018.
Qoraal kasoo baxay ONLF ayaa lagu sheegay in jabhaddu ay rumaysnayd in heshiisku horseedi doono nabad, cadaalad, iyo horumar dhinaca ka qaybgalka siyaasadda ah, balse lix sano kadib aanay waxba isbeddelin.
"ONLF qalbi wanaagsan ayay heshiiska ku gashay iyada oo rumaysan in bog cusub u furmi doono nabadda, cadaaladda, iyo ka qaybgalka siyaasadeed ee Soomaalida. Laakiin lix sano kadib, Abiy Axmed si toos ah ayuu uga baxay, taasoo caddaynaysa in aanu xiiso u haynin isbeddel dimuqraadiyadeed," ayaa lagu yidhi qoraalka.
ONLF waxay sheegtay in xubnaha jabhaddu ay cadaadis iyo cabudhin kala kulmeen Maamulka Deegaanka Soomaalida, oo fulinaya siyaasadaha dowladda federaalka, isla markaana loo diiday inay si sharci ah uga qayb noqdaan loolanka siyaasadeed ee Itoobiya. Taa beddelkeedana, magaca jabhadda si qaldan loo isticmaalay si loo jahawareeriyo bulshada Itoobiya.
Qoraalka ONLF ayaa sidoo kale lagu sheegay in jabhaddu isku dayday inay ilaaliso heshiiskii ay la gashay dowladda Itoobiya, balse Abiy Axmed uu diiday wadahadal iyo dhexdhexaadin kasta oo la xidhiidha midnimada dhulka Soomaalida, maamulka kheyraadkiisa, iyo arrimaha xuquuqda aadanaha iyo siyaasadda isla markaana Dowladda Itoobiya ay adeegsanayso nidaam qaybi oo xukun ah.
ONLF waxay sheegtay in Abiy Axmed ay dhaqan u noqotay inuu ka fogaado nabadda taa badalkeedana uu doorbido fowdada iyo khiyaanada, taasoo noqotay siyaasadda uu Itoobiya oo dhan ku maamulo. Sidaas darteedna, ONLF ayna wax rajjo ah ka qabin in ay wadahadal layeelato xukuumad burburisay hay’adihii dimuqraadiyadeed iyo geeddi-socodkii nabadda.
Jabhadda ONLF, oo muddo dheer dagaal xornimo iyo xuquuq raadis ah kula jirtay dowladihii kala dambeeyay ee Itoobiya, ayaa sannadkii 2018 heshiis ay hubka ku dhigtay la gashay xukuumaddii cusbayd ee Abiy Axmed, oo markaas loo arkayay hoggaamiye cadaalad iyo dimuqraadiyad doon ah.