4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 3 , 2025
Dowladda Itoobiya oo maanta dabaal deg iyo dhoolatus weyn ku qabsatay magaalada Baydhabo
 

Isniin, Maarso 3, 2025 (HOL) - Magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta Itoobiya ku xustay sanad guuradii 129-aad ee kasoo wareegtay dagaalkii Adwa ee Itoobiya ku jebisay Gumaystihii Talyaaniga ee dalkaas weerarka ku qaaday.

Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Baydhabo ayaa maanta halkaas ku sameeyey dhoolatus Mileteri oo ay ku soo bandhigeen gaadiidka gaashaaman ee dagaalka oo ay ku muujinayeen awoodooda ciidan.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa kale oo ka socday Midowga Afrika.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo ka hadlayay munaasabadda ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay dowladda iyo shacabka dalka Itoobiya xuska maalinta ku aadan guusha Adwa.

"Waxaan bogaadinaya oo dhiira galinaya xuska maalinta taariiqiga ah ee Adwa oo ay u dabaal dagayaan shacabka iyo dowladda Itoobiya, waxaan kaloo uga mahadcelinaya Itoobiya garab istaageeda ku aadan iskaashiga dhanka amniga ee kala dhaxeeya dowladda Koonfur Galbeed, shacabka Koonfur Galbeed iyo shacabka Itoobiya la dal oo walaalo, waxaana ka dhaxeeya xiriir aad u wanaagsan " ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis laftagareen.

Guusha Adwa ee Itoobiya u dabaal dagayso ayaa la sheegay iney aheyd mid ka mid ah guulaha ku dhiiragaliyay dalalka dhaca qaarada Afrika dhaqdhaqaaqyadii xurnima doonka ahaa oo ay isaga xureeyeen dalalkii gumeysan jiray.

Ugu dambeyntii magaalada Baydhabo ayaa ka mid ah meelaha ay Soomaaliya ka joogaan ciidanka nabad ilaalinta ee Itoobiya, kuwaas oo si gaar ah u suga amniga Madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ee Shaati Guduud.