4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 3 , 2025
Xukuumadda Somaliland oo qaramaysay dufcad kale oo ka tirsan ciidamada SSB
 

Isniin, Maarso 3, 2025 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa si buuxda u qaramaysay laba dufcadood oo ka tirsan ciidamada beeleedka SSB iyo dufcad kale oo ka tirsan ciidamo beeleedka G36.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, oo hawlaha qaramaynta iyo xasilinta u jooga Ceerigaabo, ayaa sheegay in qaramaynta ciidamada beeluhu ay meel wanaagsan marayso.

"Waa maalintii labaad ee laga jawaabo qaramaynta ciidamada madaniga ah, inta kalena way daba socotaa, waxaananu filaynaa in berri iyo maalmaha soo socda wixii hadhsaniba ay dhammaan doonaan," ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.

Xukuumaddu waxay koox-koox ula wareegeysaa baabuurta, hubka, iyo dhammaan ciidamada ay haysteen beelaha gobollada bariga Somaliland, iyadoo saddex cisho oo isku xiga ay la wareegtay ciidamo kala duwan.

Dhanka kale, xukuumaddu waxay sheegtay in marka ay dhammaato hawsha qaramaynta, ay gogol nabadeed u fidin doonto beelaha wada dega magaalada, kuwaas oo qaar ka mid ahi qaxeen kadib colaado ka dhacay magaalada.

Xukuumaddu waxay dhawaan ku baaqday in ay magaalada kusoo laabtaan ugu yaraan 45 kun oo qoys oo hore u qaxay. Hase yeeshee, qaar ka mid ah waxgaradka beelaha qaxay ayaa sheegay in aysan kusoo laaban karin magaalada inta ay joogaan ciidamo beeleed.

Tallaabada qaramaynta ayaa loo arkaa mid lagu doonayo in lagu xoojiyo is-aaminaadda bulshada, iyadoo meesha laga saarayo dadkii shacabka ahaa ee qoryaha sitay.