4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 3 , 2025
Dowladda Fedaraalka oo shaacisay iney wali gacanta ku heyso deegaanka Ceel Cali Axmed
 

Isniin, Maarso 3, 2025 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay wali gacanta ku hayaan deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warsaxafadeed kasoo baxaya Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada iskaashanaya ay maanta ka hortageen weerar xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab kusoo qaadeen deegaanka, islamarkaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda.

"Geesiyaasha Ciidanka Qalabka Sida iyo ciidamada xaq u dirirka ah ee dadka deegaanka oo si weyn u foojigan ayaa jab xoogan gaarsiiyay cadowga Khawaarijta ah, waxaana ay ka hor istaageen isku daygoodii liitay. Ciidamada ayaa ku guulaystay inay laayaan maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Khawaarijta, waxaana hadda ku sugan deegaanka Ceel Cali Axmed iyo deegaannada ku dhow dhow Ciidanka Qalabka Sida iyo geesiyaasha dadka deegaanka" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka.

Warsaxafadeedka Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in macluumaadka khasaaraha rasmiga ee howlgalada ka socda guud ahaan dalka dib laga soo faahfaahin doono.

Ugu dambeyntii dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii deegaanka Ceel Cali Axmed uu ka dhacay dagaal saacado badan qaatay oo dhexmaray ciidanka deegaanka iyo kuwa Al-shabaab, waxaana dagaalkaasi jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab.