4/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 30, 2025
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo sheegay in askarigii furimaha dagaalka kasoo baxa la toogan doono
 

Axad, Maarso 30, 2025 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeya Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadam ayaa sheegay in la xisaabtan dhab ah uu mari doono askarigii kasoo baxaya furimaha dagaalka lagula jiro Kooxaha Argagexisada, waxaana uu uga digay in ay cadowga dhabarka soo jeediyaan.

Taliye Mahad ayaa shaaca ka qaaday in ay xarig ama dil toogasho ah ay tahay askarigii furimaha dagaalka kasoo baxa sida uu qabo sharciga ciidanka waxaana uu sidoo kale tilmaamay in xitaa waalidiintiisa lala xiri doono.

" Askarigii kasoo baxa furimaha dagaalka waa dil toogasho ama xabsiga, looguma simaayo isaga kaligiis xitaa waxaa lasoo xirayaa aabihiisa iyo hooyadiisa, waxaan ka rabnaa waalidka qoriga askariga waxaana laga jarayaa dhaqaalaha Dowladda ay siiso" ayuu yiri Taliye Mahad.

Waxa uu taliyaha dhanka kale shaaca ka qaaday in ay abaalmarin doonaan askariga udhabar adeega dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada bilad ama dhaqaalana la siin doono.

Waxa uu ugu dambeeyn uu shaaca ka qaaday taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed inuu ciidanka qeybihiisa kala duwan ay dardargeliyaan dagaalka ay kula jiraan Kooxda Al shabaab si dalka nabad loogu soo dabaalo.