4/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 30, 2025
In ka badan 100 maxbuus oo cafis madaxweyne looga sii daayay Xabsiyo ku yaala Muqdisho
 

Axad, Maarso 30, 2025 (HOL) - Ilaa 114 Maxaabiis ah oo ku xirnaa Xabsiyo ku yaala gudaha magaalada Muqdisho ayaa lagu sii daayay cafis madaxweyne, waxaana la tilmaamay in maxaabiistaan ay ahayeen kuwa galay dambiyo fudud.

Maxaabiistaan ayaa laga sii daayay Xabsiga dhexe iyo Xabsiga MBC ee ku yaala Ex koontarool Afgooye, kadib markii cafis uu u fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud munaasabada Ciida Soonfureed awgeed.

Si kastaba ha haatee maxaabiista Cafiska loo fidiyay ee laga sii daayay Xabsiyada ku yaala Muqdisho ayaa wajiyadooda laga dheehan jaray farxad weyn oo ka muuqatay.

Maxaabiista la sii daayay ee xuriyadooda dib u helay ayaa si weyn ugu mahadceliyay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo cafiskaan lagu sii daayay u fidiyay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sanad walba marka la gaaro xiligaan oo kale munaaaabada Ciida Soon fureed awgeed, wuxuu cafis u sameeya maxaabiista galay dambiyada fudfud ee ku xiran Xabsiyada magaalada Muqdisho.