Axad, Maarso 30, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciiddul Fidriga, Kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta hay’adaha iyo howlwadeennada dowladda, waxaana uu ugu baaqay inay dhexdooda is caawiyaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidul Fidriga ay astaan u tahay is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah kadib salaaddii ciida uu khudbad ka jeediyay masjidka isbaheysiga oo kumanaan shacab ah uu kula hadlay.
Inta ugu badan Madaxweynaha Khudbadiisa waxa uu diirada ku saaray sidii ay shacabka Soomaaliyeed u garab istaagi lahaayeen ciidamada Dowladda ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, ee ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaasi oo difaacaya Qarannimada, midnimada iyo sharafka umadda Soomaaliyeed.