4/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 30, 2025
Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxman Cabdishakuur oo soo dhoweeyay gogosha wada hadal ee uu ku baaqay Madaxweynaha
 

Axad, Maarso 30, 2025 (HOL) - War saxaafadeed ay soo saareen Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa soo dhoweeyay gogosha wadatashi ee uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ku baaqay, waxaana ay ku tilmaameen tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday.

Hogaamiyeyaashaan ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in si gogosha u noqoto mid wax ku ool ah, natiijo mira dhal ahna u yeelato, inay dhowrayaan faah faahin dheeri ah oo laga helo ajandaha, waqtiga iyo ka soo qeyb galayaasha aan looga maarmin ka mira dhalinta gogosha.

"Waxaan soo dhaweyneynaa gogosha wadatashi ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay, waxaana u aragnaa in ay tahay tillaab dhanka wanaagsan loo qaaday." Ayaa lagu yiri war saxaafadeedkaan.

Waxa ay sidoo kale madaxdaan ay tilmaameen in halista Argagaxisada iyo duufaanta is-beddelka siyaasadeed ee dunida ka socota ay ku waajibinayaan isku tanaasul, xisaabtan caqli ku dhisan iyo waaqicinnimo, si loo badbaadiyo jiritaanka Soomaaliya.

Xalay, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gogol u fidiyay siyaasiyiinta iyo dadka aragtida duwan, isagoo ku booriyay in ay kaalin weyn ka qaataan dagaalka lagula jiro Alshabaab iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan nidaamka Federaalka.

Maamulka Jubbaland ayaa soo dhoweeyay baaqii xalay ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee ku saabsanaa in uu gogol nabadeed u fidiyay siyaasiyiinta iyo dadka ka aragtida duwan.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA HOGAAMIYASHA MUCAARADKA SOO SAAREN :-