4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2025
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo soo dhoweeyay baaqa wada tashiga nabadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh
 

Isniin, Maarso 31, 2025 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay Baaqa ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran ah ee uu soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh inay tahay tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee ku gadaaman dalka.

"Sida aan marar badan soo jeedinnay, arrimaha masiiriga ah ee taabanaya aayaha dalka iyo nidaamka dowladnimada waa masuuliyad wadareed u baahan wadatashi iyo wada-ogolaansho, waxaan adkaynaynaa in shirkan ay isugu yimaadaan dhinacyada ay khusayso heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed" ayuu ku yiri bayaan usoo saaray Farmaajo.

Farmaajo waxa uu shaaca ka qaaday in Madaxweyne Xasan Sheekh, ku dhiirrigelinayno in uu ficil u beddelo baaqa, kana dhabeeyo gogosha uu fidiyey, si loo abuuro jawi siyaasadeed oo ku dhisan kalsooni, wadashaqeyn iyo ilaalinta dastuurka lagu doortay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in meesha laga saaro tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaya midnimada dalka iyo hannaanka dowladnimo ee heshiiska lagu yahay.

Ugu dambeeyntii waxa uu bayaankiisa ku sheegay inuu soo jeedinayo in shirkan uu fursad u noqdo garab istaagga iyo sidii taageero buuxda loo siin lahaa Ciidanka Qalabka iyada oo la qiimeynayo duruufaha ay wajaheen inta ay ku jireen howlgallada ka dhanka ah Al shabaab.