Hiiraan Online
4/2/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2025
Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland oo howlgalo ka dhan Al-shabaab ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose
Isniin, Maarso 31, 2025 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Danab oo kaashanaya kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa howlgalo culus ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalkaan wadajirka ahaa ayaa ciidamadu ku burburiyeen fariisimo Al-shabaab ku laheyd deegaano ku yaala Waqooyiga gobolka Jubbada Hoose oo la tilmaamay in kooxdu dadka shacabka ah uga qaadayeen Sakaatul Fitri qasab ah.
Saraakiil ka tirsan ciidamada howlgalka fuliyay ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in sidoo kale howlgalka khasaare ku gaarsiiyeen kooxda Al-shabaab, hayeshee maysan carabaabin inta uu dhan yahay khasaaraha kooxdu gaarsiiyeen.
Deegaanada maamulka Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha ay wali ku xoogan yihiin kooxda Al-shabaab, waxaana mararka qaar deegaanada maamulkaas ka dhaca dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah Al-shabaab.
Howlgalkaan burburinta ah ee ka dhacay Waqooyiga Jubbada Hoose ayaa qeyb ka ah howlgalada dowladda fedaraalka Soomaaliya ku dooneyso iney dalka kaga ciribtirto Ururka Al-shabaab ee haatan ka socda inta badan gobolada dalka.