Isniin, Maarso 31, 2025 (HOL) - Taliyaha guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle dhexe Xasan Ciraaqi ayaa maanta markale si adag uga hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab isagoo ku sugan magaalada Wisil ee gobolka Mudug.
Taliye Xasan Ciraaqi oo la hadlayay boqolaal ka mid ah ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Wisil ayaa shaaca ka qaaday iney jiraan maamul goboleedyo aan rabin in lala dagaalamo oo dalka laga xureeyo maleeshiyaadka Al-shabaab.
”Waxaa jirto maamul goboleedyo runtii aan qeyb ka aheyn dagaalka khawaarijta oo raba in ay khawaarijta guuleysto, taana waan ognahay, wax la dhageysan karo ma ahan, ummada Soomaaliyeed go’aan bay qaadatay, go’aankaasina waa socdaa, waana mid cadawga Kawaarijta ah looga ciribtiraayo dalka” ayuu yiri Taliyaha guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle dhexe Xasan Ciraaqi.
Si kastaba ha ahaatee Taliyaha ma uusan carabaabin maamul goboleedyada uu ku dhaliilay ineysan rabin in laga guuleysto oo dalka laga xureeyo kooxda Al-shabaab, wuxuuna carabka ku adkeeyay iney ka go'an tahay la dagaalanka Al-shabaab, waxaana xusid mudan in Taliye Ciraaqi uu ahaa Taliyahii hoggaaminaayay ciidankii dowladda ay geysay dhamaadkii sanadkii tagay Raaskambooni ee halkaas kula dagaalamay ciidamada Jubbaland.
Taliye Ciraaqi ayaa sidoo kale siyaasiyiinta ugu baaqay iney madaxweynaha Soomaaliya kala shaqeeyaan la dagaalanka Al-shabaab, islamarkaana ay muhiim tahay iney dowladda ku garab istagaan howlgalada dalka ka socda.
Ugu dambeyntii Taliye Xasan Ciraaqi ayaa bogaadiyey guulaha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaaca deegaanka ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab.