4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2025
Siyaasiyiin hor leh oo soo dhoweeyay gogoshii nabadeed ee uu ku baaqay Madaxweyaha Soomaaliya
 

Isniin, Maarso 31, 2025 (HOL) - Siyaasiyiin hor leh ayaa kusoo biiray dadka sida weyn usoo dhoweenaya gogoshii wadatashiga nabadeed ee uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyagoona ku tilmaamay mid loo baahnaa si dalka daruufaha adag uu marayo looga saaro.

Siyaasiyiinta waxaa qeyb ka ah Ra'iisul wasaarayaashii hore Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiwali Cali Gaas oo ay wehliyaan Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo madax kale oo hormuud ka ah xisbiyada dalka ka jira.

"Waxaan soo dhoweeyneenaa baaqa ay soo jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku fidineyso gogol wadatashi heer qaran ah taa oo looga tashanaayo masiirka ummadda Soomaaliyeed islamarkaana horsesdi doonta go'aanno wadar oggol ah oo soo afjara khilafaadka siyaasadeed" ayaa lagu yiri war saxaafadeedka siyaasiyiintaan ay soo saareen.

Waxay sidoo kale bogaadin u direen ciidamada qalabka-sida heer qaran iyo heer dowladgoboleed oo dagaal kula jira cadowga Al-Shabaab iyo kuwa Daacish ee ka socda deegaano ka tirsan Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Ugu dambeyn waxa ay baaq udireen ummadda Soomaaliyeed kaa oo ah in ay taageeraan ciidamada heer kasta si loo ciribtiro cadawga banneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed.