Hiiraan Online
4/2/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2025
Wasaaradda Gaashandhiga oo faah faahin ka bixisay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka
Isniin, Maarso 31, 2025 (HOL) - Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Qaranka ay howlgal qorshaysan ku jabiyeen maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al shabaab oo isku dayay inay weerar ku qaadaan fariisimaha ciidanka dowladda ee deegaannada Sabiid iyo Caanoole, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasaaradda waxa ay xustay in khasaaro xoog leh la gaarsiiyay Al shabaab, waxaana ay tilmaamtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay ku jireen heegan buuxa xilliga ay Dagaalamayaasha Al shabaab isku dayeen inay weeraraan saldhigyada ciidanka.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashandhiga Sheekh Abuukar Maxamed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in sodomeeyo ay ku dileen dagaalkii ka dhacay Sabiid iyo Canoole.
Sidoo kale waxa uu xusay inuu jiray howlgalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe oo uu tilmaamay inay 40 dagaalame ka tirsan Al shabaab ay lagu dilay duqeyn ka dhacday degaano ku yaala gobolka Shabeellaha Dhexe walina ay soconayaan howlgalka ka dhanka ah Al shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay maalmihii lasoo dhaafay howlgallada ka dhanka ah Al shabaab ee looga xoreenayo degaanada ay wali kaga harsan yihiin Shabeelooyinka.