4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 4 , 2025
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galaya Shir Madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta
 

Talaado, Maarso 4, 2025 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo la filaayo inuu ka furmo shirka madaxda ururka Jaamacadda Carabta.

Ra'iisul wasaare Xamsa ayaa la filayaa inuu shirka oo maanta ka furmaya magaalada Qaahira uu ka jeedin doono khudbad uu kaga hadlaayo go'aanka Dowladda Soomaaliya sida ay u diidan tahay barakicinta Shacabka Gaza.

Shirkaan oo ah mid deg deg ah oo ay aan caadi ahayn ayaa waxaa ku baaqday Dowladda Masar si madaxda wadamada Jaamacadda Carabta ee xubnaha ka ah ay hal meel uga soo wada jeesan lahaayeen una diidi lahaayeen in shacabka Gaza la barakiciyo.

Shirka sidoo kale waxaa diirada lagu saari doonaa dib u dhiska magaalada oo ay ku burburtay dagaalkii ay Israel ku qaaday 7dii October ee sanadkii 2023 wixii ka dambeeyay weerarkii Xamaas ee Duufaan Al aqsaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in marnaba aysan ogolaan doonin oo aysan taageereenin qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee shacabka looga barakicinayo magaalada Gaza.