Talaado, Maarso 4, 2025 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug lagu
qabtay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP 248, kaasoo ka mid ahaa
kuraasta ka banaaneyd Golaha Shacabka.
Doorashada
kursigaan sumadiisu tahay HOP 248 oo deegaan doorashadiisu tahay Cadaado
waxaa ku guuleystay Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaqaano Afweyne oo ka
guuleystay musharaxii la tartamay oo lagu magacaabo Sahro Xasan
Cabduule.
Guddigga doorashooyinka oo ku dhawaaqay natiijada doorashada ayaa sheegay in
Maxamed Cabdi Xasan oo uu helay codad gaaraya 80, halka Sahra ay heshay
10 cod.
Kursigaan waxaa horay ugu fadhiyay oo xubinnimadii golaha
shacabka ku waayay qabashada xilka Agaasime ku xigeenka hay’adda
Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Saadaq Cumar
Xasan, Saadaq Joon.
Xildhibaankan cusub ee maanta la doortay ayaa
dhawaan uun laga soo daayay xabsi ku yaala dalka Biljimka uu ku xirnaa
mudo 12 sano, isagoona u xirnaa inuu ka mid ahaa hoggaamiyaasha
kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
"Waxaan si weyn uga
mahadcelinaya Xildhibaanada, wasiirada, guddoonka, waxaan kalo balan
qaadaya inaan si wanaagsan ugu shaqeyn doono kursigaan ay si gaar ah igu
soo doorteen dadka aan matalo, waana ku faraxsanahay iney ii doortaan
kursigaan" ayuu yiri Xildhibaanka cusub Maxamed Cabdi Xasan Afweyne.
Si
kastaba ha ahaatee waxa dhawaan la filayaa in sido kale la qabto
doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP 049 oo uu horay ugu fadhiyay
Mustaf Dhuxulow oo loo magacaabay Agaasimaha Hay'adda Socdaalka
Jinsiyadaha.
Ugu dambeyntii kuraasta Golaha Shacabka mudada dheer
ka banaan oo ilaa hada aanan la buuxin, lana shaacin waqtiga la buuxin
doono waxaa ka mid ah kursiga sumadiisu tahay HOP 058 oo uu baneeyay
Taliyaha Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA
Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe.