4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 4 , 2025
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo maanta la wareegay deegaanka Ceelbaraf
 

Talaado, Maarso 4, 2025 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa maanta dib ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceelbaraf ee gobalka Shabeellaha Dhaxe.

Dib ula wareegista deegaanka Ceelbaraf ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dhowrkii maalmood ee dhaafay deegaankaas ay gacanta ku hayeen kooxda Al-shabaab.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Macawiisleeyda Xawaadle ayaa duhurnimadii maanta gudaha u galay deegaanka Ceelbaraf, kadib dagaal mudo kooban socday oo ka dhacay duuleedka magaaladaas.

Wali si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ku dhexmaray duuleedka magaalada Ceelbaraf ciidamada iskaashanaya iyo kuwa Al-shabaab ee laga saaray Ceelbaraf.

Dhinaca kale guddoomiyaha deegaanka Tardo ee gobolka  Hiiraan oo ka mid ahaa masuuliyiinta hoggaamineysay ciidamada maanta la wareegay deegaanka Ceelbaraf ayaa ugu baaqay dadkii ka barakacay deegaanka iney dib ugu soo laabtaan, maadama xur tahay magaalada.

"Reer Ceelbarafoow soo laabta magaaladu waa xor annaga ayaa idinku soo dhaweyneena, dad walaalo ahna waan nahay ee aan is garabsanno, wax walba walaaltinimada ayaa ka wanaagsan cadawga aan u midoowno" ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.

Kooxda Al-shabaab ayaa maalmahii ugu dambeeyay kordhisay weerarada ay ka geysaneysay gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana weeraradaasi kooxda u suurta galisay iney la wareegeen deegaanada kala Ceelbaraf iyo Miirtaqwa oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe.