4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2025
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Dowladdiisu marnaba raali ka ahayn barakicinta Shacabka Gaza
 

Arbaco, Maarso 5, 2025 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa ku nuux-nuux saday in Dowladda Soomaaliya ay si cad u diidan tahay isku-day kasta oo lagu doonayo in lagu barakiciyo falastiiniyiinta, isagoo carrabka ku adkeeyay in dhaqamada noocaan ah ay ka dhigan yihiin xad-gudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo xuquuqul insaanka, khatarna ku ah amniga gobolka iyo kan caalamiga ah iyo nabadda.

Khudbadd uu ka jeediyay shir madaxeedka degdega ah ee Carabta, ayuu Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya sheegay in shirkan lagu qabanayo iyadoo ay jiraan caqabado heer gobol ah iyo mid caalami ah oo aan horay loo arag dunida, loona baahan yahay in la kordhiyo iskaashiga wadamada Carabta.

Ra'iisul wasaare Xamsa ayaa xusay in si laga hortago xaaladaha ka taagan bariga dhexe ay mudan tahay in la ogaado Muhiimadda ay leedahay dadaallada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo xasilloonida gobolka iyo amniga.

Wuxuu carabka ku dhuftay in shacabka Falastiin ay mudan yihiin aayo ka tashi iyo dhisidda dowlad madax bannaan, xaqaasna uusan ahayn mid gorgortan geli kara ama lagu xad-gudbi karo.

Ugu dambeeyn waxa uu Khudbadiisa ku caddeeyay inuu ku adkaysan doono  mowqifka Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan taageeridda qadiyadda falastiin ee ka sheegista fagaarayaasha kala duwan ee caalamiga ah ilaa shacabka Falastiin ay helaan xorriyaddooda iyo xuquuqdooda sharciga ah.