4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2025
Maraykanka oo digniin kasoo saaray weeraro argigixiso oo ay Muqdisho ka abaabulayaan Alshabaab
 

Arbaco, Maarso 5, 2025 (HOL) - Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa soo saartay digniin amni, iyadoo ka digtay khataro amni oo ku saabsan weeraro lagu bartilmaameedsado goobo badan oo Muqdisho ka mid ah oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda.

Iyada oo laga jawaabayo khatartan, Safaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa dhammaan shaqaalaheeda ka joojisay dhaqdhaqaaqyada safaaradda ilaa amar dambe. Sidoo kale, muwaadiniinta Maraykanka ayaa laga joojiyay inay u safraan magaalada Muqdisho.

Safaaradda ayaa sheegtay in  kooxaha argagixisadu ay ku howlan yihiin abaabulka qaraxyo iyo weeraro. Waxayna sheegtay in xaaladda ammaan ee Soomaaliya ay weli ah mid qasan.

Digniintan kaddib laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa la galiyay feejignaan dheeri ah, iyadoo aad loo adkeeyay amniga goobaha ay digniintu ku wajahan tahay. Digniintan ayaa ku soo aadeysa, xilli ay dowladda Soomaaliya iyo Alshabaab ay ku dagaalamayaan gobolka Shabeellada dhexe.

Hase, ahaatee, gobolka Shabeellada Dhexe oo Muqdisho ku dhow ayaa waxaa ka socda howlgallo culus oo ay ciidamada dowladda kula dagaalamayaan kooxda Alshabaab oo la wareegtay qaar kamid ah degaanada Shabeellada Dhexe.