4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2025
Jenaraal Odawaa Yuusuf "Khawaarijta waxay ku jiraan rafasho naf la caari ah oo waxay rabaan in la dhameystiro ee aan dhameystirno"
 

Arbaco, Maarso 5, 2025 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Odawaa Yuusuf Raage oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa furimaha hore ee dagaalka deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dardaaran adag siiyay ciidamo ka tirsan xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Jenaraal Odawaa Yuusuf ayaa u sheegay ciidamada iskaashanaya iney horumar balaaran ka sameeyeen mudo kooban howlgalada ay wadaan, islamarkaana la joogo waqtigii lasoo gabagabayn lahaa kooxda Al-shabaab.

“Khawaariijta laba sano ayay go’doonsan yihiin, waxaa la rabaa in howlgalada ka dhanka ah lasii wado, ciidamada waxaa laga idinka rabaa isku duubni iyo inaad cadawga la dagaalantan, waxay ku jiraan rafasho oo naf la caari waxay rabaan in la dhameystiro ee aan dhameystirno, umad kasta oo sharaf iyo qiimo ku nool dadkeeda ayaa dhiig u bixi ee ma jirto sharaf iyo qiimo si bilaash ah isaga yimaada wax walba waxay u baahan yihiin badalashi" ayuu yiri Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Jenaraalka ayaa sidoo kale uga digay ciidamada iney dib uga soo laabtaan ama uga baxaan deegaanada ay gacanta ku hayaan, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in laga sii shaqeeyo sidii gacanta loogu dhigi lahaa deegaanada kale gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.

Hadalkaan dardaaranka ah ee Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay kooxda Al-shabaab ay kordhisay weerarada ay ka geysaneyso deegaano ku yaala gobolka Shabeellaha Dhexe.