4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2025
Jubbaland oo ka hadashay dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Hirshabeele
 

Arbaco, Maarso 5, 2025 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay madaxtooyadda maamulka Jubbaland ayaa lagu boggaadiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda deegaanada ka tirsan Hirshabeelle.

Jubbaland ayaa sheegtay iney si buuxdo u taageersan tahay dagaalada ka socda qaar ka mid ah deegaanada Hirshabeelle, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe ee lagu ciribtirayo Al-shabaab.

"Dowladda Jubaland waxay si weyn u bogaadinaysaa dadaalka ay wadaan Ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka is abaabulay ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada kaga jira deegaanada Dowladda Hirshabeelle. Dadaalladan, haddii si mideysan loogu wada guntado, waxay horseedi karaan guulo wax ku ool ah oo lagu cirib tirayo kooxaha nabad-diidka ah" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Jubbaland.

Waxaa sidoo kale Jubbaland ay ugu baaqday dhamaan hay’adaha amniga, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka iney si wadajir ah uga shaqeeyaan xoreynta dhulka ay wali ku sugan yihiin Al-shabaab.

Warsaxafadeedka Jubbland ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxda Al-shabaab ay ka faa'ideysaneyso khilaafyada siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

"Dowladda Fedaraalka Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaa saaran masuuliyad wadareed taabanaysa mustaqbalka dalkeenna. Haddii aan si wadajir ah ugu midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waa hubaal inaynu gaari doonno guulo waaweyn oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka Jubbaland.

Warsaxafadeedkaan kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa kusoo aadaya, iyadoo wali khilaafka gacan ka hadalka gaaray ee dhaxeeyay dowladda fedaraalka iyo Jubband aanan wali laga gaarin wax xal ah.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-