4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 6 , 2025
Dowladda Soomaaliya oo Tanzania uga qeyb gashay Carwada 11-aad ee Shidaalka Wadamada ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika

Khamiis, Maarso 6, 2025 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania kaga qeyb galay Carwada 11-aad ee Shidaalka Wadamada ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika.

Masuuliyiinta shirka ku wehlinaayay Wasiirka waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Xaashi Carabeey iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania iyo EAC, Ilyas Cali Xasan.

Shirkaan ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray horumarinta kheyraadka shidaalka iyo iskaashiga dhinaca tamarta ee wadamada Bariga Afrika, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo maalgashiga Kheyraadka dabiiciga ah sida Shidaalka iyo Macdanta.

Wasiir Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Dahir Shire Maxamed ayaa ka qeyb galayaasha shirweynaha la wadaagay  fursadaha iyo maalgashiga shidaalka ee Soomaaliya, isagoona goobta ka sheegay in  Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo dhinaca tamarta ah, kuwaas oo u baahan maalgelin iyo iskaashi caalami ah si loo horumariyo.

Ugu dambeyntii dhamaan dalalka ku mideysan Dalada Bulshada Bariga Afrika ayaa isla gartay sidii ay u abuuri lahaayeen iskaashi adag oo ku saabsan shidaalka iyo Gaaska iyo waliba is dhaafsiga waayo aragnimada iyo aqoon kororsiga.

Dhinaca kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi Tanzania ayaa kulan Casho sharaf ahaa Xalay ugu sameeyay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soonaaliya Daahir Shire Maxamed magaalada Daraarusalaam, waxaana halkaasi uu Wasiirka kulan is xog wareysi ah oo la xariira horumarinta ganacsiga iyo fursadaha maal gashiga ee Soomaaliya uu kula yeeshay Jaaliyada iyo Ganacsatada ku nool Tanzanai oo uu hormuud u ahaa Ganacsaaha lagu magacaabo Garguurte.

Wasiir Daahir Shire ayaa uga mahadceliyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Tanzania soo dhoweynta iyo taageerada joogtada ah ee ay u muujiyaan horumarka dalka, wuxuuna ugu baaqay Jaaliyadda iney ka shaqeeyeen sidii door muhiim ah ugu yeelan lahayeen horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.