4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 6 , 2025
Dowladda Soomaaliya oo ku wargalisay shacabka inay ka fogaadaan deeganada Shabaabku ku sugan yihiin
 

Khamiis, Maarso 6, 2025 (HOL) - Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa mar kale uga ku wargalisay shacabka inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaabka, iyagoo sheegay in dowladda federaalka ay sare u qaadeyso howlgallada dhanka cirka iyo dhulka ee lagula dagaallamayo kooxda Shabaab.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Golaha Wasiirrada ayay ugu baaqeen shacabka in ay si taxaddar leh uga dheeraadaan meelaha ay ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab, si looga fogaado waxyeello ka dhalan karta weerarrada ka dhanka ah argagixisada.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirradu waxay bogaadiyeen dadaalka ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Sidoo kale, dowladdu waxay digniin culus u dirtay cid kasta oo oggolaata in gurigiisa, goobtiisa ganacsi ama gaadiidkiisa loo adeegsado falal halis ku ah amniga qaranka. Dowladda waxay xustay in qof kasta oo arrintaas lagu helo lala xisaabtami doono, islamarkaana lala mid dhigi doono qof si toos ah uga qeyb qaatay fal argagixisanimo.

Waxaa kale oo dowladdu digniin u dirtay cid kasta oo faafisa xog khaldan, iyada oo sheegtay in qof kasta oo lagu helo fal noocaas ah lala tiigsan doono sharciga, laguna xukumi doono ciqaab adag.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirradu ayaa go’aamiyay in aan wax hub ah ama gaadiid dagaal lala geli karin xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho.