4/5/2025
Today from Hiiraan Online: WATCH: Gambia crush Somalia 5-1 to seal Ocean Stars early e...
Wararka Maanta- Jimco, Mar 7 , 2025
Booliiska Soomaaliya oo digniin culus u diray dadka baraha bulshada ku faafiya wararka lagu qalqal galinaayo amniga
 

Jimco, Maarso 7, 2025 (HOL) - Taliyaha qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin, Macalin Mahdi ayaa digniin culus u diray dadka Soomaaliyeed ee baraha bulshada ku dhex faafiya wararka lagu qalqal galinaayo amniga ee lagu dhiiragalinayo kooxda Al-shabaab.

Taliyaha ayaa hadalkaan ka jeediyay Xalay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho oo uu kaga qeyb galay afur wadareed, wuxuuna tilmaamay in Muqdisho haatan joogto waqtigii ugu wanaagsana dhanka amaanka.

“Wiilasha dhalinyarada baraha bulshada wax ku qora waxaan leeyahay, Khawaarijtaa qeyb ka noqoneysaan, hadii aad faafisan waxaan jirin, waxay kooxdaasi sameyso iyo wax lagu darayba hadii aad sheegto qeyb ayaad ka tahay, suurtagal maaha in wiil Xamar jooga Hotel ka afuraya uu shacabka caasimadda ku nool qalqal geliyo, lagama yeeli doono, waxaana ku xireynaa qol mugdi ah" ayuu yiri Taliyaha qeybta guud ee Booliiska Babaadir Macalin Mahdi.

Wuxuu sidoo kale sheegay Taliyaha in ciidanka Booliis Soomaaliyeed ay u diyaarsan yihiin soo qabashada qof walba oo ku xadgudba amniga magaalada Muqdisho.

“Qofkii Khawaarij lacag siiya iyo kan warkooda u faafiya waa isku mid, dadkaan dhibaato intii ku filan waa soo mareen, Xamar waxay joogtaa waqtigii ay ugu amni fiicneed, cid aan ka aqbaleyno ma jirto in baraha bulshada ay ku faafiso farriimo farxad gelinaya Khawaarijta" ayuu yiri Taliyaha Boolika Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin, Macalin Mahdi.

Hadalkaan kasoo yeeray Taliyaha qeybta guud ee Booliiska Banaadir ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan xabsi ku yaala Muqdisho laga sii daayey Weriye Cali Aadan Muumin, kaasoo loo xiray eedeymo la xariira inuu ka shaqeynaayey qalqal gelinta amniga iyo aflagaadeynta madaxda dowladda.