Jimco, Maarso 7, 2025 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay isku dayayso inay gogol nabadeed u fidiso dhinacyada isku haya Suudaan, si loo soo afjaro colaadda ka aloosan dalkaas.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa sidaas ka sheegay hadal uu ka jeediyay mar uu ka hadlayay dagaallada ka socda Suudaan.
Wuxuu xusay in Suudaaniyiintu ay kalsooni ku qabto doorka Soomaaliya ee dhex-dhexaadinta dhinacyada ku dagaallamaya dalkooda, taasoo uu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu raadinayo xal waara.
“Waxaan rajaynaynaa inaan dhawaan magacowno ergay gaar ah oo arrimahaas ka shaqeeya. Dalal waaweyn ayaa nala soo xiriiray, naguna dhiirrigeliyay inaan door ka qaadanno xal u helista colaadda Suudaan,” ayuu yiri Cali Balcad.
Sidoo kale, wasiiru-dowlaha ayaa tilmaamay in xaaladda Suudaan ay hortaallo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, balse Soomaaliya ay dareemayso masuuliyad gaar ah maaddaama labada dal ay wadaagaan xiriir qotodheer oo dhanka diinta, Afrikaannimada iyo Carabtinimada ah.
Balcad wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay awood u leedahay inay la fariisato dhinacyada isku haya Suudaan si loo abuuro jawi nabadeed, isaga oo xusay in Soomaaliya ay leedahay khibrad la xiriirta burburka iyo dagaallada, taasoo gacan ka geysan karta dadaallada lagu dhisayo nabadda Suudaan.
Colaadda Suudaan ee hadda taagan ayaa soo bilaabatay 15-kii Abriil 2023, markaas oo dagaal culus uu dhexmaray ciidamada qalabka sida ee Suudaan (Sudanese Armed Forces – SAF) oo uu hoggaaminayo Jeneraal Cabdel Fattaax Al-Burhaan iyo xoogagga gurmadka degdegga ah (Rapid Support Forces – RSF) oo uu hoggaaminayo Jeneraal Maxamed Xamdaan Dagalo "Hemedti".