4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 7 , 2025
Dagaal ka dhex qarxay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo ee ku wada sugan aagga Buqdharkayn
 

Jimco, Maarso 7, 2025 (HOL) - Dagaal xoogan ayaa saaka markale ka dhex qarxay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo ee ku wada sugan deegaanka Buqdharkayn ee gobolka Sool.

Dagaalkan oo aan weli la ogeyn khasaarihiisa ayay dhinacyadu baraha bulshada ku baahinayaan is-weydaarsiga xabadda. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalku markii hore ka dhex qarxay ciidamada SSC Khaatumo iyo maleeshiyo beeleedka SSB, iyada oo markii dambe ay millateriga Somaliland ku biireen.

Maamulka SSC Khaatumo, oo war qoraal ah kasoo saaray dagaalka, ayaa ciidamada Somaliland ku eedeeyay in ay ciidankooda weerar ku soo qaadeen abbaaro 10:00 subaxnimo, isla markaana ay ciidamadoodu iska difaaceen. Dhinaca kale, Somaliland ayuu ku eedeeyay in ay gobolka ka wado nabadgelyo darro.

"Waxaana bogaadin mudan sida geesinimadda iyo naf-hurka leh ee ciidamada dhiiranayaasha maamulkeenu ay mar walba u beeninayaan damac walba oo qar iska tuurnimo ah oo ka yimaada gooni goosatada. Waxaanu ugu baaqaynaa dhammaan Bulshada SSC-KH  inay Ilaashadaan dhulkooda, garab iyo taageerana la bar-bar joogaan ciidankooda" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaarada Amniga SSC Khaatumo.

Dagaalkan saaka dib u qarxay ayaa kusoo beegmaya xilli ay xukuumadda Somaliland deegaanadan ka waddo hawlo nabadayn ah, oo lagu qaramaynayo maleeshiyo beeleedyada SSB iyo G36, kuwaas oo samaysmay xilligii ay colaadaha joogtada ahi ka taagnaayeen deegaanadan.

Wafdi sare oo ka socda xukuumadda Somaliland, kuna sugan gobollada bari, ayaa sheegay inay doonayaan in si nabad ah xal loogu helo colaadaha ka taagan deegaanadan. Isla markaana Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, oo wafdigan hoggaaminaya, ayaa sheegay in gogol nabadeed uu dhigayo.

Dhanka kale, hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, oo dhawaan hadal ka jeediyay degmada Boocame, ayaa ku baaqay in dib shidaal cusub loogu shubo dagaalka ay kaga soo horjeedaan Somaliland. Sidoo kale, wuxuu sheegay in Ceerigaabo ay muhiim u tahay maamulkiisa.