4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 7 , 2025
Lataliyaha madaxweynaha ee xiriirka dowlad goboleedyada oo weerar afka ah ku qaaday madaxda Hirshabeelle iyo Xukuumadda Fedaraalka
 

Jimco, Maarso 7, 2025 (HOL) - Lataliyaha madaxweynaha dowlada fedaraalka Soomaaliya ee dhanka xiriirka dowlad goboleedyada dalka Maxamed Xasan Ibraahin Qoone ayaa si adag u dhaliilay madaxda ugu sareysa maamulka Hirshabeelle.

Maxamed Xasan Ibraahin Qoone ayaa ku dhaliilay labada masuul ee ugu sareysa Hirshabeelle iney ka gaabiyeen dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab ee ka socda qaar ka mid ah deegaanada maamulkaas.

"Hirshabelle madaxdii la rabay inay hogaamiyaan dagaalka lagula jira argagixisada ayaa midna jowhar jifaa midna beledweyne waana wax aad looga xumaado, Waxaan ku baaqayaa in shacabka ku dhaqan hirshabelle ay u midoobaan sidii looga qeyb qaadan lahaa dagaalka ka socda Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, si looga sifeeyo kooxdan Khawaarijta ah guud ahaan deeganada hirshabelle" ayuu yiri Lataliyaha madaxweynaha ee xiriirka dowlad goboleedyada dalka Maxamed Xasan Ibraahin Qoone.

Lataliye Qoone ayaa sidoo ka tilmaamay in dalka uu ku jiro marxalad dagaal oo lagu ciribtirayo Al-Shabaab, islamarkaana loo baahan yahay in loogu midoobo dagaalka si wadajir ah.  

Dhinaca kale Lataliyaha madaxweynaha dowlada fedaraalka Soomaaliya ee dhanka xiriirka dowlad goboleedyada Maxamed Xasan Ibraahin Qoone ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay waxyaabaha ka socda gobolka Gedo oo uu sheegay iney ka gaabisay Xukuumadda hada jirta.

"Waa wax aad looga xumaado mana habooneyn in ay xukuumadda ka gaabiso arimaha kaso cusbonaaday gobalka gedo Waxaan ku baaqayaa in gudi loo saaro Waxa ka jira gobalka gedo si dadka ku dhaqan Halkaa u helaan adeegyada bulshada. Ugu dambeyn Soomaaliya waxaa soo maray xukuumado kala duwan ilaa xukuumadii 1956 waxeyna ahaayeen xukuumado tayo leh, Balse hada xukuumada dalka joogto waa kuwa aan dalka iyo dadka u adeygeyn una adeega danahooda gaarka ah" ayuu yiri Qoone.

Hadalka masuulkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalin ka hor Hooyo Soomaaliyeed oo ku umushay magaalada Baardheere la sheegay iney u geeriyootay daryeel la'aan Caafimaad, kadib markii loo waayay diyaarad loogu qaado Muqdisho, inkasto hay'adda Duulist Rayidka Hawada Soomaaliyeed ay sheegtay ineysan jirin wax xayiraad duulimaad ah oo saaran gobolka Gedo.