4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 7 , 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo maanta Masaajid Cali Gaduud geeyay 12 gaari oo sida shixnado gargaar ah
 

Jimco, Maarso 7, 2025 (HOL) - Hay'adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa maanta 12 gaari oo siday shixnado gargaar macaawino ah geysay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA Màxamuud Macalin Cabdulle oo gargaarkaan ku wareejiyay guddoomiyaha deegaanka Masajid Cali gaduud ayaa sheegay in shixdaan gargaarka ah ay isugu jirto raashiin, dhar iyo agabka guryaha.

"Deeqdaan waa mid aan ugu talo galnay dadka ku nool Masaajid Cali Gaduud, Guulane iyo deegaanada ku dhadhaw oo ay saameeyeen abaaraha iyo dagaalada dalka ka jira, maadama ay wajahayaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah, wan ognahay in dadka deegaanadan gacana kula dagalamayaan cadawga, dhinacna ay baaro daran ka haysato" ayuu yiri guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle.

Guddoomiyaha deegaanka Masaajid Cali Gaduud Seylax Cumar Xaayoow oo deeqdaan kala wareegay guddoomiyaha SoDMA ayaa ka mahadceliyay gargaarkaan lagu wareejiyay maanta.

"Waan ka mahadcelineyna deeqdaan maanta nagu wareejisay guddoomiye, waxayna ina soo gaartay xili baahi weyn u qabaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Masaajid Cali Gaduud iyo Guulane, deegaanadaan waxaa ka dhacay dagaalo iyo abaaro saameyay dadka, waxaana u gaarsiin doona dadka sidii loogu talo galay"ayuu yiri guddoomiyaha Masaajid Cali Gaduud Seylax Cumar Xaayoow.

Deeqdaan gargaarka ah ee maanta guddoomiyaha SoDMA uu geeyay Masaajid Cali Gaduud ayaa kusoo aadeysa, iyadoo todobaadkii hore hay'addu geysay deegaanka Ceel Cali Axmed ilaa 11 gawaari oo siday deeqdaan oo kale.