Jimco, Maarso 7, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar 'Cagjar', ayaa ururka ONLF ku eedeeyay inuu doonayo inuu dhibaato galiyo shacabka deegaanka, kadib markii ururku dagaal ugu hanjabay dowladda Itoobiya.
Madaxweynaha oo ka jawaabay hadalka Guddoomiyaha ONLF ee ah in Itoobiya ay ka baxday heshiisyadii xabbad-joojinta, ayaa xusay in xalinta dhibaato kasta ay keento caqabado cusub, balse aan loo baahnayn in lagu noqdo khaladaadkii hore si xal loogu helo dhibaatooyinka cusub.
"Shalay shacabkeennu wuxuu la dhibtoonayay xorriyad la’aan iyo cabudhin ba’an. Maanta si guud waa laga baxay arrintaas, waxaana la helay xorriyad aan horey u jirin, si wadar ah iyo si shaqsi ahba," ayuu yidhi Madaxweyne Cagjar, isagoo ka jawaabaya eedaynta ONLF ee ah in aan waxba laga fulin heshiisyadii ay Itoobiya la galeen.
Madaxweyne Cagjar oo sidoo kale ka jawaabay cabashada ONLF ee ah in dowladda Itoobiya ay kala qaybiso ururka, ayaa sheegay in ONLF ay hadda tahay xisbi siyaasadeed, isla markaana ay muujinayso faham la’aan siyaasadeed haddii uu urururku cabasho ka muujiyo in dowladu ka shukaansatay xubno ururkooda hore uga tirsana.
"Xorriyadu waxay keentay arrimo lagu qoslo, sida xisbi xisbigii kale la tartamayay oo leh 'waa nala kala jabiyay' ama 'waa nala mideyn waayay', iyo xisbi aan xubno lahayn oo dowladda ka raba dhaqaale, haddayse u diiddo, ku hanjabaya inay ceebaha dowladda sheegayaan," ayuu yidhi Madaxweyne Cagjar.
Wuxuu intaas ku daray in dad badani aysan fahmin xorriyadda, isla markaana isbeddelka siyaasadeed ee deegaanka ka dhacay 6 sanno kahor uu u baahan yahay dhaqan siyaasadeed cusub oo abuura bulsho kala sooci karta runta iyo beenta, ceebaynta iyo sixidda, xuquuqda iyo xadgudubka.
Guddoomiyaha ONLF, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Mahdi 'Maaday', ayaa sheegay in ururkoodu ka fiirsanayo dagaal kale oo ay la galaan Itoobiya, kadib markii uu ku eedeeyay dowladda Abiy Axmed inay ku guuldarraysatay fulinta heshiisyadii xabbad-joojinta horseeday ee ay la gaadheen sannadkii 2018.