Sabti, Maarso 8, 2025 (HOL) - Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in fadhi ay yesheen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya oo uu wehliyay Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka JFS iyo guddi matalayay Culimada Soomaaliyeed.
Guddigaan ka socday Culimada Soomaaliya ayaa dhowaan waxa warbaahinta gudaha ay u sheegeen inay si weyn uga walaacsan yihiin qodobo dhowr ah oo ku jira xeerka Maaliyadaha Dalka ee horyaala Baarlamaanka, waana tan soo dadajisay in Wasiirka Maaliyadda iyo Gudoomiyaha Bangiga dhexe ay la fadhiistaan Guddigaan.
Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa sidii culimadda Soomaaliyeed looga talo gelin lahaa qodobada Xeerka hay’adaha maaliyadda Dalka ee sharci Lr 130 oo soo baxay 22-kii April, 2012.
Waxaana inta kulanka uu socday guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka oo ay wehliyeen wasaaradda maaliyadda iyo bankiga dhexe ee Dalka iyo sidoo kale culimada Soomaaliyeed isku raaceen in la waafajiyo mabaadii’da sharceecada islaamka iyo maslaxada ummadda soomaaliyeed.
Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in Xeerka hay’adaha maaliyadda uu yahay xeer hore u jiray balse hada wax ka bedel lagu sameeyay, isaga oo tilmaamay in xeerkan uu soo maray marxalado kala duwan hadana talooyinka culimada Soomaaliyeed ay muhiim tahay in la tixgaliyo.