4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 8 , 2025
Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo soo dhoweeyay xayiraadii duulimaad ee laga qaaday Baardheere
 

Sabti, Maarso 8, 2025 (HOL) - Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ku amaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabadii ay xayiraada duulimaadyada uga qaaday magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo bilooyin ay saarnaayeen xayiraad duulimaad oo ka dhalatay khilaafka Dowladda iyo Jubaland.

Ra'iisul Wasaare Shirdoon waxa uu cadeeyay in Dowladda looga fadhiyo in xayiraadaha kale ee saaran magaalooyin kale oo ka tirsan degaanada Jubalanad inay si dhaqse leh uga qaado maadama ay dhibaato xoogan ay arrimaha duulimaadka kala kulmayaan shacabka rayidka.

"Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka ay Dowladda Federaalka uga qaaday xayiraaddii duullimaadyada magaalada Baardheere, Waa tallaabo loo qaaday dhanka saxda ah" ayuu yiri Cabdi Faarax Shirdoon.

Waxa uu hadalkaan soo dhigay barta uu ku leeyahay X waxana uu sii raaciyay "Sidoo kale, waxaan mar kale ugu baaqayaa Dowladda Federaalka inay si degdeg ah u fasaxdo duullimaadyada magaalooyinka kale ee Jubaland, Mar dambe in xayiraad la saaro qeyb kamid ah dalka waa in laga fogaadaa".

Ugu dambeeyay waxa uu shaaca ka qaaday in Xayiraadaha noocan ah ay khilaafsan yihiin Dastuurka iyadoo saameyn taban ku yeeshay nolosha shacabka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga, Gaar ahaan, bukaannada u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah, ganacsatada iyo ardayda u safraysa waxbarashada.

Maalmo ka hor Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxa ay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijisay in aanay jirin wax xanibaad duulimaad ah oo saaran Garoonka Diyaaradaha Baardheere ayna diyaaraduhu si caadi ah u aadaan.