Sabti, Maarso 8, 2025 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ayaa duqeyn culus oo ka dhacday deegaanka Ceel bacad ee gobolka Shabeellaha dhexe ku dilay mid ka mid ah horjoogayaasha Al-shabaab ee gobolkaas.
Howlgalka duqeynta ah ayaa la sheegay in ciidamada iskaashanaya ay fuliyeen gelinkii dambe ee maanta, islamarkaana lagu dilay horjooge lagu magacaabo Yuusuf Dhegnaas.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Abuukar Maxamed ayaa sheegay in duqeynta lagu beegsaday goob ku taala Ceel bacad oo ay shir ku lahayeen horjoogaha la dilay Yuusuf dhegnaas iyo xubno kale.
"Waxaan shacabka Soomaaliyeed Caawa ugu bishaareynaya in duqeyn lagu khaarajiyay horjoogahii ugu sareeyay Khawaariijta ee gobolka Shabeellaha Dhexe marka laga soo tago Yuusuf Kabaku Tukade, marka la duqeynayay waxa la joogay dhagarqabeyaal kale oo ku dhaawacmay weerarka, waxaana ayaga iyo ilaaladooda duqeyn kale lagula eegtay nawaaxiga Galcad ee gobolka Galgaduud" ayuu yiri Afhayeen Abuukar Maxamed.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in horjoogayaashan duqeynta lagula eegtay Ceel bacad ay ku howlanayeen abaabulka falal lagu dhibaateeynayo shacabka Soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee gpbolka Shabeellaha dhexe waxaa maalmahii lasoo dhaafay ka socday howlgalo duqeyn iyo dagaal toos ah oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaas.