Hiiraan Online
4/2/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Mar 9 , 2025
Dowladda Fedaraalka oo shaacisay in dagaalka lagula jiro Al-shabaab kaalin weyn ku leeyihiin ciidamada Cirka ee Soomaaliya
Axad, Maarso 9, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka cirka ee Soomaaliya oo adeegsanayo diyaaradaha ay dowladda soo iibsatay door weyn ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gudaha dalka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in guulo waa weyn laga gaaray dagaalka lagu ciribtiraayo kooxda Al-shabaab, kadib markii ay korortay awooda ciidanka cirka Soomaaliya oo fuliya duqeymaha lagu bartilmaameedsado Al-shabaab.
“Dagaalka lagula jiro Khawaarijta waxaa kaalin weyn ku leh ciidamada cirka Soomaaliyeed oo adeegsanaya diyaarado ay Soomaaliya leedahay oo ay soo iibsatay, taasoo lagu fuliyo duqeymo is daba joog ah oo cadawga aad loogu naafeyay”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka in haatan la joogo waqtigii lasoo afjari lahaa dagaalka dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso iney dalka kaga ciribtirto kooxda Al-shabaab.
Ugu dambeyntii Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka dhinac dagaalameysa Al-shabaab ee la qalday iney wali heystaan fursado cafis ah oo ay isugu soo dhiibi karaan dowladda Fedaraalka Soomaaliya.