4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 9 , 2025
Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka oo war kasoo saartay hoos udhaca xawaaraha internet-ka Soomaaliya
 

Axad, Maarso 9, 2025 (HOL) - Hay'adda isgaarsiinta Qaranka ayaa war ay soo saartay waxa ay ku faah faahisay hoos udhaca laga dareemay maalmihii ugu dambeeyay xawaaraha adeegsiga intenernet ka Soomaaliya, Hay'adda waxa ay xustay in Xarigga Internet-ka Fiber-ka badda hoosteeda mara ee Pakistan iyo Bariga Afrika ee Xiriiriya Yurub (PEACE Cable) uu ka go’ay Badda Cas.

Bayaanka ay soo saartay Hay'adda waxa ay shaaca uga qaaday in Dhacdadan lama filaanka ah ay saameyn ku yeelatay adeegyada internetka ee Dalkeena iyo kuwa kale oo dhaca Bariga Afrika, taas oo sababtay hoos u dhac xagga xawaaraha iyo tayada adeegyada qulqulka (streaming).

Waxaa lagu yiri warka Hay'adda "Si looga falceliyo arrintan islamarkaana loo xaqiijiyo in adeegyada internetka ay sii socdaan, shirkadaha bixiya adeegyada isgaarsiinta dalkeena si degdeg ah waxay ugu wareegeen Khaddad kale oo kayd ah waxaana hadda sidiisii hore ku soo noqday Khadka Internetka dalka".

Dib-u-habaynta iyo dayactirka Xarigga Fiber-ka PEACE waxaa la filayaa in ay gaari karto ilaa bartamaha Abriil 2025 sida lagu shaaciyay warka Hay'adda isgaarsiinta ay la wadaagtay shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeeyntii waxa ay Hay'adda isgaarsiinta Qaranka ay baaq ay ugu dirtay Shirkadaha adeega internetka bixiya waxaana ay ku wargelisay Inta lagu jiro muddadan in Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ay si dhow ula shaqeyn doonto shirkadaha bixiya adeegyada internetka si loo kormeero tayada adeegyada loona xalliyo wixii caqabado ah ee dhici kara.