Axad, Maarso 9, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta si kulul uga hadlay howlgalada dalka looga ciribtirayo kooxda Al-shabaab.
Wasiirka oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn si adag u sheegay in kooxda Al-shabaab awoodeeda aysan aheyn sidii hore, islamarkaana aysan laheyn awood ay ku qabsan karto magaalada Muqdisho.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiir Rooboow inaan kooxda Al-shabaab lala barbar dhigi karin kooxda qabsatay dalka Siiriya ee uu hoggaamiyo Axmed Sharaac.
“Muqdisho Kaabuul maaha, Dimishiqna maahan, Axmed kiinana ee Axmed Diiriye, ma ahan Axmed Sharaac oo kale, qof aan ogoleyn cidna inuu la tacaamulo dal ma xukumi karo, taas ayaga u sheegayaa, kaliya waxay u baahan tahay Khawaariijta in la midoobo iyo in la iska dhiciyo kaliya” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Mukhtaar Rooboow Cali.
Wasiir Rooboow ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda iyo Culimada oo isku duuban ay garab taagan yihiin ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jiro ciribtirka Al-shabaab.
“Aniga idinla hadlaya gabar walaalkey qabo ayay bishii Shacbaan afduubteen, waxay nuujineysay cunug 5 bilood jira oo ay cidlo uga tageen, inay arxan laawayaal yihiin, taas ayaa cadeyneysa, waxaan leeyahay arxan laawayaasha Alle ka cabsada ee ka towbad keena waxa aad ku jirtaan" ayuu yiri Wasiir Mukhtaar Rooboow.
Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed shirka jaraa'id ka hadashay ayaa dhankiisa sheegay in mooqifka culimada ee dagaalka Al-shabaab inuu yahay in loo istaago dowlad iyo shacaba sidii dalka looga xoreeyn lahaa kooxda oo ka been sheegtay Diinta iyo dhaqanka suuban ee Islaamka.
Ugu dambeyntii Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta iyo Culimada kale shirka jaraa’id la qabtay ayaa bogaadiyay guulaha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ka gaareen dagaalka dalka looga xureynaayo Al-shabaab.